Open 4Culture
Open 4Culture waa hordhaca ugu haboon ee 4Culture iyo deeqaha si guud! Haddii tani tahay deeqdaadii koowaad ee aad naga hesho ama deeqdaadii koowaad ee aad abid hesho, shaqaalaheena soo dhawaynta leh ayaa ku fahansiin doona hawsha oo dhan. Si wadajir ah, ayaan uga dhigaynaa maalgelinta dhaqanka mid la heli karo oo loo dhanyahay!
Talaabooyinka Codsashada
1
Waa maxay Maalgelinnada OPEN 4CULTURE
1
Waa maxay Maalgelinnada OPEN 4CULTURE

Deeqdani waxay bixinaysaa ilaa $2,500 si aad u abuurno ulana wadaagno farshaxankaaga, dhaqanka, iyo illaalinadaada barnaamijyadda taarikheed degganayaashayada iyo soo booqdayaashayadda!
Shuruudaha
Waxaan maalgelinaa deeqahayaga anagoo adeegsana hanaan tartan loo galo. Dib u eegeyaal khibrad u leh mashruucaaga ayaa qiimayn doona mashruucaaga ayagoo ka eegaaya shuruudaha soo socda:
- Faa’iidada dadwaynaha: Mashruuca waxa ka mid ah soo jiidashada iyo waddada macquulnimada ay degganayaasha iyo martida King County ku heli karaan, khibrad uga qaadan karaan, ama uga faa’iidi karaan shaqadda. Mashruucu in uu sameeyo dadaalo muuqda oo ku wajahan in ay helikaraan dad da’o kala duwan, naafo ah, luuqaddo, iyo bulshooyin kala duwan.
- Shuruudaha u qalmida ama waxyaabaha dedejiya: Muunadahaaga shaqo iyo khibradaada ayaa muujinaya in aad si guul leh aad ku dhamayn karto mashruuca. Shuruudaha u qalmida ayaa lagu salayn karaa xirfado, khibrad, tababar, ama aqoon. Haddii uu yahay mashruucaagii koowaad ee noocaan ah, ama miisaankan leh, heerkaaga aqooneed ayaa ka turjumaya awooda aad wax ku baran karto, kobci karto, aadna ku ballaarin karto xirfadadaada, iyo/ama waxa aad haysataa la taliyayaal ama iskaashato ku taageeri kara.
- Macquulnimada: Mashruucaagu waxa uu si dhamaystiran oo guul ah ugu soo dhamaanayaa muddada deeqda ee 1-ka sanno. Tan waxa la soo bandhigey iyadoo loo marayo xaqiiqo miisaaniyad, jadwal, iyo qorshaha ku jira qaybaha Qorshaha Mashruuca iyo Miisaaniyada.
- Kor u qaadista sinnaanta (ikhtiyaari): 4Culture hadafkeedu waxa uu diirada saaraa sinnaan la’aanta isirada iyo aragtiyaha degmo dhaqanku u yahay lama huraan oo cid walba heli karto. Mashruucaagu waxa uu si gaar ah faa’iido u siinayaa bulshooyinka midabka leh iyo/ama taariikh ahaan bulshooyinka la takoori jirey. Mashruucu waxa uuu addeegayaa ama la shaqeeyaa xubno ka mid ah bulshooyinkan. Tani maaha shardi.
Faa’iidada dadwaynaha: Maxay Muhiim u Tahay
Martida joogta hudheellada iyo albeerkooyinka King County ayaa bixiya canshuurta iibka. Qayb yar oo ka mid ah canshuurta ayaa bixisa maalgelinta deeqaheena—shaqadeenu waa inaan dib ugu maalgelino lacagahaas bulshooyinka King County. Tan ugu muhiimsana, codsigaaga waxaa lagugu waydiin doonaa inaad si gaar ah u sheegto sida dadka deegaanka ee kale ay uga faa’iideysan doonaan shaqada aad qabato.
Maalgashiyada Sinnaanta
Si aan ula dagaalano cadaalad darada ka jirta deeq bixinteena, 4Culture ayaa ka shaqeysa farsamada samaynta Maalgashiyada Sinnaanta. Farsamadaan waxaa ku jira eegista sababo kala duwan oo ka mid ah sinnaan la’aanta habdhismeedka iyo ku dabiqida aqoontaas hawsha ay qabtaan guddigeena dib u eegista adeegyada dadka isku xaalada ah. Sababahaan waxaa ku jira laakiin aanan ku xadidnayn: goobta rasmiga ah ee codsadayaasha, miisaaniyada shaqada, bulshooyinka loo adeego iyo macaamiisha loo adeeggo, iyo ujeedada mashruuca. Anagoo muhiimada siinayna arrimahaan marka ay joogto go’aanadeena deeq bixinta iyo hawsha dib u eegista guddiga, waxaan filaynaa maalgelinada in loo qaybiyo bulshada taariikh ahaan laga reebi jiray maalgelinta dhaqanka.
Mid kasta oo ka mid ah mashruucyadeena deeqda ayaa adeegsada nidaamka Maalgelinta Sinnaanta oo ku xiran baahiyaha gaarka ah ee codsadeyaasha. Isbadelkaan ururka oo dhan ah—iyo waxa aan ka baranay saamayntiisa—waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka maalgelin loo siman yahay oo lagu bixiyo 4Culture iyo dhammaan waaxda dhaqanka ee King County.
Deeqdan Maalgelinteeda Sinnaaneed waa maalgelin dheeraada oo lagu daray dhamaam mashruucyada la doortay ee la yimid hal ma ka badan shuruudahan soo socda:
- Waxa aad deggantahay wixii ka baxsan Caasimada Seattle.
- Waxa aad ku sugantahay mid ka mid ah Fursada Bulshooyinnka ee Seattle.
- AMA codsigaagu waxa uu buundooyin sare ka helay shuruudaha Kor u Qaadista Sinnaanta.
2
Adiga iyo Mashruucaagaba ma U qalantaan?
2
Adiga iyo Mashruucaagaba ma U qalantaan?
Adiga
U soo codso ka shakhsi ahaan haddii aad tahay abuuraha keliga ah, wax soo saaraha, ama aad ku hagayso kuwa kale abuurista farshaxankaaga, dhaqanka, ama mashruuc taariikh ilaalineed. Dib u eegayaashu waxa ay qiimaynayaan wax ku biirintaada shakhsiyeed ee mashruuca iyo muunadaha shaqadaada.
- Waa aad ku cusubtahay 4Culture oo weli ma aadan helin deeqahayaga ama maalgelintayada. Guulaystayaasha Ilaalinta Dhaqanka weli way u qalmaan.
- Shakhsiyaadku waa inay ahaadaan ugu yaraan 18 sano jir oo ay degan yihiin King County, laga soo bilaabo marka aad soo codsato ilaa dhamaadka mashruuca.
- Hadii laguu doorto abaalmarin, waa in aad keentaa Lambarka Badbaada Bulshada si aad u hesho lacagta. Kafaala qaadayaasha maliyada ayaa laga yaabaa in aan la isticmaalin.
- Codsadayaal badan ayaa laga yaabaa in aanay soo codsan mashruuc isku mid ah.
- Kuwan soo socda uma qalmaan in ay soo codsadaan:
- Shaqaalaha 4Culture, Guddiga, ama xubnaha Gollaha La Talitanta Farshaxanka.
- Dadkii horre ugu guulaystay deeqda 4Culture. Dadkii horre ugu guulaystay Ilaalinta Dhaqanku weli way u qalmaan.
- Shakhsiyaadka codsiga samaynaya iyagoo kaga wakiila urur Taageero oo hadda la Sameeyay ama La Joogteeyay. Hadii aad tahay shaqaale urur Taageero oo La Joogteeyay, fadlan noogu sheeg codsigaaga (ka raadi guulaystayaasha hadda halka).
U soo codso sidii koox haddii: Aad metesho koox farshaxan, maxalli ama urur aan faa’iido doon ahayn, dawlada hoose, dawlada qabiilka, ama ganacsi abuura farshaxanka, dhaqan ama mashruucyada ilaaliya taariikhda. Guddiga ayaa qiimeyn doona wax ku biirinta kooxda ee mashruucaaaga iyo muunadaha shaqo
- Waa aad ku cusubtahay 4Culture oo weli ma aadan helin deeqahayaga ama maalgelintayada. Guulaystayaashii Maalgelinta Soo Kabashadu weli way u qalmaan.
- Kooxdu waa in ay ku suganyihiin King County oo leeyihiin hadaf aasaasi ah oo ku aadan Farshaxanka, Dhaqanka ama Ilaalinta Taariikhda. Haddii kooxdiinu aanay sidaa ahayn, waa in aad iskaashi rasmi ah aad la leedihiin farshaxaniiste, xirfadleh dhaqan, ama ilaaliye.
- Haddii mashruuc laguu doorto, waa in aad keentaa Lambarka Aqoosiga Loo Shaqeeyaha, oo aad ku heli karto shirkada shakhsigu leeyahay, LLC, S-Corp, Iskaashiga Guud, kuwa aan faa’iido doonka ahayn, iwm. Magaca akoonkaaga kooxda/ururka ee 4Culture waa in uu la mid noqdo magaca ku xusan EIN kaaga. Ma aqbali karno EIN uu ku qoranyahay magacyo shakhsi ama Lambaro Badbaado Bulsho. Fadlan nala soo xidhiidh haddii aad wax su’aalo ah qabtid!
- Kooxaha dhaqaale ahaan la kafaalo qaaday iyo kuwa aan faa’iido doonka ahayn waa u qalmaan laakiin qasab maaha.
- Codsadayaal badan ayaa laga yaabaa in aanay soo codsan mashruuc isku mid ah.
- Kuwan soo socda uma qalmaan in ay soo codsadaan:
- Dadkii horre ugu guulaystay deeqda 4Culture. Guulaystayaasha Maalgelinta Soo Kabashadu weli way u qalmaan.
- Kooxaha codsiga samaynaya iyagoo kaga wakiila urur Taageero oo hadda la Sameeyay ama La Joogteeyay. Hadii xubno ka mid ah kooxdaadu ay yihiin shaqaale ka tirsan mid ka mid ah ururadan, fadlan noogu sheeg codsigaaga (ka raadi guulaystayaasha hadda halkan).
Mashruucaaga
Deeqdani waxay fidinaysaa taageero loogu talogalay saddex qaybood: farshaxanka, dhaqanka, iyo ilaalinta taariikhda. Mashaariicda waxaa lagu qaban karaa si fool ka fool ah, onlayn ah, ama si isku dhafan.
Farshaxanka: Mashruucaaga ayaa abuuraaya farshaxanka nooc kasta oo uu yahay kaas oo galaangal u siinaya qaar ka mid ah bulshada farshaxanka ama hanaanka farshaxan samaynta, sida akhrisyada, baaritaannada, bandhigyada, jilista, aqoon kororsiyada, doodaha, xafladaha, waxqabadyada, iyo waxyaabo kale.
Dhaqanka: Dhaqanka waxaa lagu qeexaa “isdhaafsiga aqoonta iyo khibrada ee uu qaabeeyay wakhtigii lasoo dhaafay.” Mashruucaagu wuxuu diirada saarayaa dhaqanka iyo mawduucyada taariikhiga ah ee King County ayadoo la adeegsanaayo aqoonsi, dukumiinti samayn, bandhig, ama turjumaad. Dhaqanka waxaa ku jiri kara dadka, xasuusaha, goobaha, bulshooyinka, iyo munaasabadaha.
Ilaalinta: Mashruucaagu waa inuu door ku yeeshaa ilaalinta dhismayaasha, goobaha, xaafadaha, ama dhulalka taariikhiga ah ee King County ayadoo la adeegsanaayo dukumiinti gareyn, aqoonsi, cilmi baaris, qiimayn, barnaamijyada waxbarashada, ama u doodis.
Ka eeg liiska dadkii horre ugu Guulaystay halka.
Deeqdaan ma maalgelinayso:
- Mashruucyada ay soo saareen ama ay maalgeliyeen ururada qaatayaasha Taagerada Hadda La Bilaabay ama La Joogteeyay ee 4Culture (ka raadi guulaystayaasha hadda halkan)
- Cuntada iyo cabitaanka.
- Iibsiga qalabka (eeg Qalabka loogu talogalay Ururada deeqdooda)
- Sawirada iyo farshaxanka derbiyada dadwaynaha ee joogtada ah.
- Cibaado diimeed, jimicsiga, ama tilmaam
- Dugsiyada K-12 ama degmooyinka iskuulka. (eeg Curiosity Pass (Oggolaanshaha Xiisaha) deeqdiisa)
- Lacagta waxbarashada iyo qiimaha nolosha ee ardayda ku jira barnaamij jaamacadeed walba.
- Dhacdooyinka dhaqaale ururinta iyo/ama kharashaadka dhaqaale ururinta
- Taageerada hawgalka ee guud (eeg Bilaabista ama Tageerada La Joogteeyay deeqahooda)
- Raasamaal dhisid (eeg Xaruumahayaga deeqdooda)
3
Kaa Caawinaaya Inaad Guuleysato
3
Kaa Caawinaaya Inaad Guuleysato
Aggabyadda Waxtarka Leh
Xaanshida Shaqada
Xaanshidan shaqadu waxa ku jira codsiga oo dhamaystiran oo ay la socdaan tilmaamo waxtar leh. Kuwan isticmaal si aad u diyaariso jawaabahaaga. Xasuusnoow, keliya waxa aad soo codsan kartaa kadib marka aad heshay oggolaanshaha shaqaalaha.
PDF | Word
Codsiyada Muunada ah
Waa kuwan muunado codsiyo ah oo helay maalgelin:
PDF | Word
Ka eeg helayaashii sannadkii ina dhaafay deeqahoodii Guulaystayaasha boggooda.
Jawaab Celin Shakhsi ah
Waxa aanu ku faraxsanahay in aanu soo bandhigno jawaab celin ku saabsan qabyo qoraalka codsigaaga. Jawaab celintu waxay qaadataa qiyaastii 1 toddobaad.
La xidhiidh
Scott Oshima
4open@4culture.org
(206) 477-9879
4
Kadib Marka aad Gudbiso
4
Kadib Marka aad Gudbiso
Hanaanka Dib u Eegista
Marka aad lasoo xiriirto shaqaalaheena aadna gudbiso codsigaaga, waxaad heli doontaa ogeysiis iimayl ah oo kuu sheegaaya xaalada deeqdaada 2-4 asbuuc guddahood. Haddii codsigaaga aan la aqbalin hadda, waxaan ku faraxsan nahay inaan kula wadaagno jawaab celinta dib u eegeyaasha anagoo wicitaan taleefan oo kooban kuu soo dirayna.
Heshiisyada iyo Lacag bixinta
Haddii aanu u doorano mashruucaaga maalgelin, maamulaha deeqdaada ayaa kula shaqayn doona si uu u sameeeyo heshiish. Heshiisku wuxu qaadan karaa 2-4 billood. Fadlan tan ku hay maskaxda marka aad qorshaynayso maaliyadaada.
Lacag-bixinta waxaa loo sameeyaa sidii lacag celin ahaan. Oggolaansha wakhtiga, waxa aad dalban kartaa 50% deeqda ah si aad u bilawdo mashruucaaga kadibna 50% ayaad dalban karta marka dhamayso.
Shuruudaha iyo Racfaannada
Barowaxa lagaa doonayo haddii lagu siiyo deeqda, iyo hanaanka racfaan ka qaadashada go’aanka 4Culture.
5
Codso
5
Codso

Fadlan nala soo xiriir haddii aad xiiseynayso inaad codsato.
- 4open@4culture.org
(206) 477-9879
TAARIIKHDA KAMA DAMBAYSTA AH
- Codsiyada waa in lasoo gudbiyaa ugu yaraan 3 billood kahor taariikhda bilowga mashruuca ama dhacdada. Tusaale, haddii dhacdadu dhacayso Ogosto 1, waa inaad soo gudbisaa codsiga May 1.
- Codsiyada waxa la xidhayaa Febraayo 1-Maarso 31, 2027
Jadwalka
Horre kasii qorshayso! Haddii aad hesho deeqda, waxa ay qaada kartaa 4-5 billood laga soo bilaabo maalinta aad nala soo xidhiidhay ilaa maalinta aad lacagta helayso.
- Nala soo xidhiidh si aan u bilawno hanaanka. Waxa aanu kuugu soo jawaaabi doonaa 2-4 maalin shaqeed.
- Ansixinta bilaabista codsigu waxay qaadan kartaa 1-2 toddobaad.
- Marka laguu soo ansixiyo, waxa aanu kuu soo diri doonaa codsiga iyo tilmaamaha.
- Dib u eegista codsigaagu waxay qaadan kartaa 2-4 toddobaad.
- Haddii aad hesho deeqda, la xidhiidhistu waxay qaadan kartaa 2-4 billood.
Dhammaan codsadayaasha u qalma ayaa loo soo sheegi doonaa haddii la siinayo ama aan la siinaynin deeqda.
Xog dheeri ah ka eeg fursadaha deeqda ee 4Culture’s iyo deeqaha kale ee maxaliga ah.
