Open 4Culture

Open 4Culture (U furan Dhaqanka) waa hordhaca ugu haboon ee 4Culture iyo deeqaha si guud! Haddii tani tahay deeqdaadii koowaad ee aad naga hesho ama deeqdaadii koowaad ee aad abid hesho, shaqaalaheena soo dhawaynta leh ayaa ku fahansiin doonaan hawsha oo dhan. Si wadajir ah, waxaan ka dhigaynaa maal gelinta dhaqanka mid la heli karo oo isku dhafan!

Talaabooyinka Codsashada


1 Waa maxay Maalgelinnada OPEN 4CULTURE

1 Waa maxay Maalgelinnada OPEN 4CULTURE

Lacagta deeqda oo dhan $2,500 laguna bixinaayo mashaariicda Farshaxanka ee Seattle’s Communities of Opportunity (Fursada Bulshooyinka Seattle) ama Degmada King County, iyo Mashaariicda Ilaalinta Dhaqanka meel kasta oo degmada ka mid ah.

Shuruudaha

Waxaan maalgelinaa deeqaha anagoo adeegsana hanaan tartan loo galo. Dib u eegeyaal khibrad u leh barnaamijkaaga ayaa qiimayn doona mashruucaaga ayagoo ka eegaaya shuruudaha soo socda:

  • Faa’iidada dadwaynaha: Mashruucaaga ma ku jiraa hal ka mid ah ama in ka badan munaasabad soo jiidasho leh, oo bulshadu ku heli karto gudaha Degmada King? Dadka dagan Degmada King County ama dadka soo booqda ma awoodi doonaan inay ku raaxaystaan, khibrad ka helaan, ayna ka faa’iideystaan mashruuca?
  • Shuruudaha u qalmida ama waxyaabaha dedejiya: Adigoo adeegsanaaya saamballada shaqo iyo khibradaada, ma leedahay awood aad si guul leh ku dhameyso mashruucaan? Haddii uu yahay mashruucaagii koowaad ee noocaan ah, ma muujisaa doonista inaad wax ka barato, aad kobciso, aadna ballaariso xirfadadaada, ama ma haysataa tababareyaal ama iskaashato ku taageeri kara?
  • Macquulnimada: Mashruucaagu ma yahay mid xaqiiqi ah mase codsatay cadad kugu filan oo maalgelin ah?
  • Hormarinta sinaanta (ikhtiyaari ah): Haddii mashruucaaga loo abuuray ama ay abuureen bulshooyinka taariikhiyan la faquuqo, sabab iyo sidee ayuu mashruucaan u dhacaayo? Tani maaha shardi ku xiran maalgelinta.

Faa’iidada dadwaynaha: Maxay Muhiim u Tahay

Martida joogta hudheellada iyo albeergooyinka Degmada King ayaa bixinaysa canshuurta iibabka. Qayb yar oo ka mid ah canshuurta ayaa bixisa maalgelinta deeqaheena—shaqadeenu waa inaan dib ugu maalgelino lacagahaas bulshooyinka Degmada King. Tan ugu muhiimsana, codsigaaga waxaa lagugu waydiin doonaa inaad sheegto si gaar ah sida dadka deegaanka ee kale ay uga faa’iideysan doonaan shaqada aad qabato.

Maalgashiyada Sinnaanta

Si aan ula dagaalano cadaalad darada ka jirta deeq bixinteena, 4Culture ayaa ka shaqeysa farsamada samaynta Maalgashiyada Sinnaanta. Farsamadaan waxaa ku jira eegista sababo kala duwan oo ka mid ah sinnaan la’aanta habdhismeedka iyo ku dabiqida aqoontaas hawsha gudigeena dib u eegista adeegyada dadka isku xaalada ah. Sababahaan waxaa ku jira laakiin aanan ku xadidnayn: goobta rasmiga ah ee codsadeyaasha, miisaaniyada shaqada, bulshooyinka loo adeego iyo macaamiisha loo adeeggo, iyo ujeedada mashruuca. Anagoo muhiimada ku saarayna arimahaan go’aanadeena deeq bixinta iyo hawsha dib u eegista gudiga, waxaan filaynaa maalgelinnada in loo qaybiyo bulshada taariikhiyan laga reebi jiray maalgelinta dhaqanka.

Mid kasta oo ka mid ah barnaamjyadeena deeqda ayaa adeegsada nidaamka Maalgelinta Sinnaanta oo ku xiran baahiyaha gaarka ah ee codsadeyaasha; fadlan akhri qaybta Kadib marka aad Codsiga Dirto ee bogaan si ad u hesho faahfaahin ku saabsan sida Maalgashiyada Sinnaantu ugu shaqeyn doonaan deeqdaan. Isbadelkaan ururka oo dhan ah—iyo waxa aan ka baranay saamayntiisa—waa talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka maalgelin loo siman yahay oo lagu bixiyo 4Culture iyo dhammaan waaxda dhaqanka ee Degmada King.

2 Adiga iyo Mashruucaagaba ma U qalantaan?

2 Adiga iyo Mashruucaagaba ma U qalantaan?

Adiga

Waxaad u qalantaa haddii aad tahay shaqsi, koox, urur, ama ganacsi yar oo abuura mashaariicda Farshaxanka, Dhaqanka, iyo/ama Ilaalinta. Waxaad sidoo kale ku cusub tahay 4Culture oo weli ma aadan helin deeqahayada ama maalgelintayada.

    • Farshaxanka: Waa inaad dagan tahay Seattle’s Communities of Opportunity (COOs, Fursada Bulshooyinka Seattle), ama Degmada King oo ka baxsan Seattle. Codsadeyaasha reer Seattle ee aan daganayn COO ayaan u qalmin (hoos ka eeg).
    • Dhaqanka ama Ilaaalinta: Waa qasab inaad dagan tahay Degmada King.
    • Codsadaha rasmiga ah waa inuu jiraa 18 sano ama ka wayn yahay ama uu haystaa matalaada qof wayn.

Seattle’s Communities of Opportunity

The Communities of Opportunity (COO) index TusmadaCommunities of Opportunity (COO) wwaxaa markii koowaad la sameeyay sanadkii 2012 waxaana ku jira xirmo cabirada caafimaadka iyo dhaqan dhaqaalaha ah si loo cabiro caafimaadka iyo faya qabka bulshada. 4Culture waxay maalgashiyadeena sinnaanta waafajisaa cabirka COO si loo aqoonsado meelaha Degmada King ee baahida ugu wayn u qaba taageerada.

Farshaxaniisteyaasha iyo mashaariicda Farshaxanka ee Seattle ka jira, ka eeg qariiradaan Communities of Opportunity map si aad u go’aansato in adiga ama kooxdaadu dagan tahay COO. Aagaga COO ee u qalma Open4Culture ayaa la asteeyay waana midabka baarbolka.

Mashruucaaga

Deeqdaan waxay ku siinaysaa taageero ku aadan mashaariicda ku jira afarteena aag ee ugu waawayn: Farshaxanka, Dhaqanka, iyo Ilaalinta. Mashaariicda waxaa lagu qaban karaa si toos ah, oonlayn ah, ama si isku dhafan.

  • Farshaxanka: Mashruucaaga ayaa abuuraaya farshaxanka nooc kasta kaas oo bixinaaya helitaanka bulshada ee farshaxanka ama hawsha farshaxan samaynta, sida akhrisyada, baaritaannada, bandhigyada, jilista, aqoon kororsiyada, doodaha, xafladaha, nashaadaadka, iyo waxyaabo kale.
  • Dhaqanka: Dhaqanka waxaa lagu qeexaa “isdhaafsiga aqoonta iyo khibrada ku saleysan taariikda hore.” Mashruucaagu wuxuu diirada saarayaa dhaqanka iyo mawduucyada taariikhiga ah ee Deggmada King ayadoo la adeegsanaayo aqoonsi, dukumiinti samayn, bandhig, ama turjumaad. Dhaqanka waxaa ku jiri kara dadka, xasuusaha, goobaha, bulshooyinka, iyo munaasabadaha.
  • Ilaalinta: Mashruucaagu waa inuu door ku yeeshaa ilaalinta dhismeyaasha, goobaha, xaafadaha, ama dhulalka taariikhiga ah ee Degmada King ayadoo la adeegsanaayo dukumiinti gareyn, aqoonsi, cilmi baaris, qiimayn, barnaamijyada waxbarashada, ama u doodista.

Tusaaleyaasha barnaamijka

See a list of past Ka eeg liiska dadkii horey loo siiyay Abaalmarin halkaan. Kani waa mid kami ah deeqaheena furan! Tusaaleyaasha qaar ee mashaariicdii ugu danbaysay ee deeqda la siiyay waxaa ka mid ah:

  • Dabaaldega wadada: dabaaldeg bilaash ah oo loogu dabaal degaayay taariikhda beeraha oo lagu qabtay Carnation Street. Lacagaha ayaa loo adeegsaday ogolaanshaha xirista wadada, caymiska, iyo kiraysiga qalab cod baahiyaha.
  • Bandhiga qoob-ka-cayaarka: bandhiga qiimaha jaban ee fiidkii oo dhan ee bulshada Laatiinka ah oo lagu qabto American Legion magaallada Kent. Lacagta waxaa lagu baxshay kharashaadka dheeleyaasha.
  • Bandhiga dharka: bandhig bilaash ah oo lagu soo bandhigaayay dharka afrikaanka, agabyada dharka, iyo daabacaadaha oo lahaa barnaamijyo ay bilaash ku helayaan dhalintu. Lacagta waxaa lagu baxshay dharka, qurxinta, iyo qaabaynta, iyo kirada goobta..
  • Taariikhda beeraha: mashruuc cilmi baaris iyo khariirad samayn ah oo ku saabsan beer mar ahaan jirtay Vashon Island. Lacagta waxaa lagu baxshay shaqada taariikhda ee ardayda.
  • Qorsheynta goobta taariikhiga ah: wajiga qorsheynta ee mashruuca beerta oo laga dhisaayo goob taariikhi ah oo ay leeyihiin Jabaaniiska Mareykanka lagana hirgelinaayo Degmada Chinatown International.

Deeqdaan ma maalgelinayso:

  • Cuntada iyo cabitaanka.
  • Sawirada iyo farshaxanka dadwayne ee abadiyanka ah.
  • Cibaadada iimaaneed, jimicsiga, ama cashar
  • Dugsiyada K-12 ama degmo dugsiyeedyada.
  • Lacagta dugsiga iyo qiimaha nolosha ee ardayda ku jira barnaamij jaamacaeedka.
  • Kharashaadka lacag uruurinta.
  • Taageerada guud ee shaqada.
  • Dhismaha xarumaha.

3 Kaa Caawinaaya Inaad Guuleysato

3 Kaa Caawinaaya Inaad Guuleysato

Fadlan nala soo xiriir haddii aad xiiseynyso inaad codsato. Shaqaalaheena ayaa kaa caawin doonaan go’aaminta haddii mashruucaagu uu ku haboon yahay Open 4Culture kadibna bilaabaaya codsiga. Waxaan ka jawaabi doonaa su’aalo kasta oo aad qabto waxaana kaa taageeri doonaa dhammaan hawsha, laga bilaabo bilowga ilaa dhammaadka!

La xiriir

Scott Oshima
scott.oshima@4culture.org
(206) 477-8064

Turjumaad iyo Caawimaad

Tilmaamaha, sharraxaada faahfaahsan ee ku saabsan sida loo codsado, iyo codsiga waxa ay dhammaan ku qoran yihiin Af-Ingiriisi. Haddii arrintaan ay tahay caqabad kaa hor istaageyso fahamka deeqda ama codsashada oo ay sabab u tahay awoodda qorista Af-Ingiriisiga oo xadidan, naafanimo aragga ah, ama aad jeclaan lahayd inaad codsato in lagaa caawiyo in aad codsi sameyso, fadlan la xiriir hello@4culture.org ama wac (206) 296-7580 ama TTY 711, waxaana xaqiijin doonnaa inaad hesho taageerada aad u baahan tahay.

4 Kadibna Marka Aad Codsiga Dirto

4 Kadibna Marka Aad Codsiga Dirto

Jadwalka

Marka aad la xiriirto shaqaalaheena aadna gudbiso codsigaaga, waxaad heli doontaa ogeysiis iimayl ah oo kuu sheegaaya xaalada deeqdaada 1-2 asbuuc gudahood. Haddii codsigaaga aan la aqbalin hadda, waxaan ku faraxsan nahay inaan kula wadaagno fikirka dib u eegeyaasha anagoo wicitaan taleefan kooban kuu soo dirayna.

Heshiisyada iyo Lacag bixinta

Haddii mashruucaaga loo doorto maalgelin, shaqaalaheena ayaa kaala shaqeyn doona abuurista Waraaqda Heshiiska, taasoo ay ku jirto cadadka deeqda, dhammaan shuruudaha mashruuc guuleysta, iyojadwalka marka lacagta lagu siinaayo.

Lacag bixinta ayaa u baahan Lambarka Social Security (Amniga Bulshada) ama Lambarka Aqoonsiga Canshuur Bixiyaha. Deeqaha ayaa la bixin doonaa marka mashruucaagu dhamaado. Xaaladaha qaarkood, waxaan ku siin karnaa 50% deeqdaada bilowga mashruucaaga halka 50% aan ku siinayno marka la dhameeyo. Deeqaha ayaa loo baxshaa qarash celin ahaan.

Shuruudaha iyo Racfaannada

Xog ka ogoow waxa lagaa doonaayo haddii lagu siiyo deeqda, iyo hanaanka racfaan ka qaadashada go’aanka 4Culture.

5 Codso

5 Codso

Fadlan nala soo xiriir haddii aad xiiseynyso inaad codsato. Shaqaalaheena ayaa kaa caawin doonaan go’aaminta haddii mashruucaagu uu ku haboon yahay Open 4Culture kadibna bilaabaaya codsiga. Waxaan ka jawaabi doonaa su’aalo kasta oo aad qabto waxaana kaa taageeri doonaa dhammaan hawsha, laga bilaabo bilowga ilaa dhammaadka!

Codsiyada ayaa ku eg ugu yaraan 2 bilood kahor taariikhda bilowga mashruuca ama munaasabada. Tusaale, haddii munaasabadaadu dhacayso maarso 1, waa inaad soo gudbisaa codsiga Janaayo 1.

Dhammaan codsadeyaasha ayaa loo sheegi doonaa haddii la siinayo ama aan la siinaynin deeqda.

Xogta Shaqsiyeed

Galkaaga ku jira barteena internetka waa inay sheegtaa xogta shaqsiga ah ee sanadkaas, qudhaada, iyo haddii aad u codsanayso urur ahaan, gudigaaga iyo shaqaalahaaga. Waxaan u adeegsanaa xogtaan si ay nooga caawiso fahanka sida aan hormar uga samaynayno dedaalkeena si aan u gaarno dhammaan bulshooyinka Degmada King.

Xog dheeri ah ka eeg fursadaha deeqda ee 4Culture’s iyo deeqaha kale ee maxaliga ah.