Project Grants

Deeqaha Mashruuca: Waqtiga kama dambeysta ah: Maarso 11, 2026
Tilmaamaha: www.4culture.org/project-grants/

Ma ka shaqeyneysaa mashruuc hal abuur leh? Codso deeqda mashruuca 4Culture

Deeqaha Mashruuca 4Culture waxaa lagu maalgeliyaa hawlaha iyo mashaariicda dhaqanka ee guud ahaan King County. Haddii aad tahay shakhsi ama koox ka shaqeeya mashruuc leh farshaxan, dhaxal, ama ilaalinta waxyaabaha taariikhiga ah ahna muhiimka, waxaan rajaynaynaa inaad codsato!

Codso

Codsiyada waxaa la aqbali doonaa ilaa Maarso 11, 2026 saacada 5:00 galabnimo PDT iyadoo lagu soo gudbinaayo nidaamka codsiga onleenka ah ee 4Culture. Waxaad ubaahnaan doontaa inaad akoon sameysato si aad u codsato. Waxaan kugu dhiirigelineynaa inaad akoon sameysato isla marka aad ogaato inaad qorsheyneyso inaad deeqda codsato.

Tilmaamaha, sharaxaadda faahfaahsan ee ku saabsan sida loo codsado, iyo waraaqda codsiga waxa ay dhammaan ku qoran yihiin Af-Ingiriisi. Haddii ay arrintani tahay caqabad kaa hor istaageysa fahamka deeqda ama codsashada oo ay sabab u tahay awoodda qorista Af-Ingiriisiga oo xadidan, araggaaga oo liita, ama aad jeclaan lahayd inaad codsato in lagaa caawiyo in aad codsi sameyso, fadlan la xiriir ama wac (206) 296-7580 ama TTY 711, waxaana xaqiijin doonnaa inaad hesho taageerada aad u baahan tahay.

Art Projects (Mashaariicda Fanka)

Tilmaamaha: www.4culture.org/grants/art-projects/
Art Projects (Mashaariicda Fanka) waxay maalgeliyaan fannaaniinta iyo kooxaha farshaxanistayaasha yaryar—laga bilaabo dhaqamadii hore ilaa kuwa casriga, kuwa hadda soo muuqanaya ilaa kuwa hirgalay—kuwaas oo ka shaqeynaya dhammaan noocyada iyo qeybaha hal abuurka.

Tusaale

Farshaxamayste Daniel Mulkin ayaa soo qabanqaabiyay Sonic Pops Northwest Summer Sesh, oo ah xarun lagu qabanayo heesaha xiliga xagaaga oo todobaad soconaya kuwaasoo loogu talagalay dhalinyarada dhigata fasalada 6-12+ si ay wax uga bartaan bandhig-faneedyada ayagoo adeegsanaya heesaha caanka ah.  SEA Vinyl Society waxay heshay barnaamij deeq ah si ay usoo bandhigto bandhigyo DJ oo bilaash ah iyo madalo dhegaysi oo diiradda lagu saarayo casriyaynta iyo dib u habaynta heesaha Aasiyaanka Maraykanka ah iyo Pacific Islander laga soo bilaabo kuwii hore ilaa kuwa hadda.

Meelaha lagala xiriirayo

Fadlan si toos ah ula xiriir maamulaha deeqda haddii aad su'aalo qabto ama aad jeclaan lahayd talo lagaa siiyo fikirkaaga mashruuca.

Art Projects - Shakhsiyaadka:
Melissa Newbill, ama (206) 263-1603
Art Projects - Kooxaha:
Scott Oshima, ,
(206) 477-8064

Aqoon isweydaarsiyo

Waxaan bixinaa aqoon isweydaarsiyo si aanu tillaabo tillaabo kuugu dulmarno habraaca deeqda. Aqoon isweydaarsiyadu waxay isbedel dhab ah ku sameeyaan guusha codsigaaga. Waxa ay adiga kuu yihiin fursad ay su'aalahaaga kaaga jawaabaan shaqaalaha 4Culture iyo inaad wax ka kororsato dadka kale ee soo dalbaday.

Dhammaanba tababarada waxaa lagu qaban doonaa qaab oonleen ah iyo fool-ka-foolba. Isku diiwaangeli tababarka oonleen ah lifaaqyada hoose si aad u hesho macluumaadka kulanka aaladda Zoom. Dhamaaba tababarada oonleenka ah waxaa la duubi doonaa; fadlan kala xiriirJackie Mixon at si aad u hesho tajumaada ASL ama taageerada kale.

Farshaxanka - kooxaha

  • Janaayo 29, 6:00-7:00 fiidnimo
    Register
  • Febraayo 14, 12:00 – 1:00 duhurnimo
    Register
  • Febraayo 18, 5:00 – 6:00 maqribnimo
    4Culture, 101 Prefontaine Pl S, Seattle
  • Febraayo 25, 11:00—1:00 duhurnimo
    Hood Famous Bakeshop + Coffeehouse, 504 5th Ave S #107A, Seattle, RSVP
  • Maarso 3, 12:00 – 1:00 duhurnimo
    Register

Fanka – Shakhsiyaadka

  • Febraayo 5, 10:00-11:00 barqanimo
    Register
  • Febraayo 11, 5:00-6:00 maqribnimo
    Register
  • Febraayo 21, 10:00—11:00 duhurnimo
    Register
  • Febraayo 26, 2:00-3:00 galabnimo
    4Culture, 101 Prefontaine Pl S, Seattle
  • Maarso 2, 12:00 – 1:00 duhurnimo
    Register

Saacadaha Xafiisku Shaqeeyo

  • Janaayo 20, 11:00—1:00 duhurnimo
    Register
  • Janaayo 27, 11:00—1:00 duhurnimo
    Register
  • Febraayo 3, 11:00—1:00 duhurnimo
    Register
  • Febraayo 10, 11:00—1:00 duhurnimo
    Register
  • Febraayo 17, 11:00—1:00 duhurnimo
    Register
  • Febraayo 24, 11:00—1:00 duhurnimo
    Register

Heritage Projects (Mashaariicda Hiddaha)

Tilmaamaha: www.4culture.org/grants/heritage-projects/
Heritage Projects (Mashaariicda Hiddaha) waxay taageeraan shaqooyin kala duwan oo daboolka ka qaadaya, iftiiminaya, oona wadaagaya taariikhda hodanka ah ee dhammaan nagu xeeran King County, oo ay ku jiraan taariikh afka ah, cilmi baaris, bandhigyo khadka tooska ah, iyo in badan oo kale!

Tusaale

Barnaamijyada deeqda hiddaha iyo dhaqanka ah ayaa taageeraya Ukrainian International Festival, xoojinta bulshada iyo iskuxirnaanta bulshada Bariga Yurub ee kusii badanaysa Ismaamulka King.

Meelaha lagala xiriirayo

Fadlan si toos ah ula xiriir maamulaha deeqda haddii aad su'aalo qabto ama aad jeclaan lahayd talo lagaa siiyo fikirkaaga mashruuca.
Megumi Nagata, ama (206) 263-3474

Aqoon isweydaarsiyo

Waxaan bixinaa aqoon isweydaarsiyo si aanu tillaabo tillaabo kuugu dulmarno habraaca deeqda. Aqoon isweydaarsiyadu waxay isbedel dhab ah ku sameeyaan guusha codsigaaga. Waxa ay adiga kuu yihiin fursad ay su'aalahaaga kaaga jawaabaan shaqaalaha 4Culture iyo inaad wax ka kororsato dadka kale ee soo dalbaday.

Dhammaanba tababarada waxaa lagu qaban doonaa qaab oonleen ah iyo fool-ka-foolba. Isku diiwaangeli tababarka oonleen ah lifaaqyada hoose si aad u hesho macluumaadka kulanka aaladda Zoom. Dhamaaba tababarada oonleenka ah waxaa la duubi doonaa; fadlan kala xiriirJackie Mixon at si aad u hesho tajumaada ASL ama taageerada kale.

  • Febraayo 6, 12-1 duhurnimo
    Niqaashka guddiga: Dadka ka faa'iidaysanaya waxay isla wadagaayaan waaya-aragnimadooda iyo xeeladahooda ku saabsan codsiga deeqda.
    Register
  • Febraayo 12, 12:00-1:00 duhurnimo
    Register
  • Febraayo 17, 5:00-6:00 maqribnimo
    Register
  • Febraayo 21, 11:00-12:00 duhurnimo
    Register

Saacadaha Xafiisku Shaqeeyo

  • Febraayo 26, 12:00 1:00 duhurnimo
    Register
  • Maarso 6, 12:00 1:00 duhurnimo
    Renton Library, 100 Mill Ave S

Preservation Special Projects (Dhowridda Mashaariicda Gaarka)

Tilmaamaha: www.4culture.org/grants/preservation-projects
Preservation Special Projects (Dhowridda Mashaariicda Gaarka) deeqaha waxey taageeraan dhowritaanka meelaha taariikhiga ah ee degmada King County Deeqdan ayaa maalgelin karta sahanada xaafadaha, magacaabista goobaha astaamaha ah, qiimeynta dhismaha, mashaariicda qorsheynta, aqoon isweydaarsiyada waxbarasho, ololayaasha u doodista, iyo kuwo kale.

Tusaale

Fall City Cemetery Association waxay heshay abaalmarinta Mashaariicda Dhaqanka Gaarka ah 2025 si ay u naqshadayso, usoo iibiso, una diyaariso astaanta soogalitaanka rasmiga ah ee Fall City Cemetery, Washington State Historic Site.

Meelaha lagala xiriirayo

Fadlan si toos ah ula xiriir maamulaha deeqda haddii aad su'aalo qabto ama aad jeclaan lahayd talo lagaa siiyo fikirkaaga mashruuca.
Emily Lawsin, ama (206) 477-3110

Aqoon isweydaarsiyo

Waxaan bixinaa aqoon isweydaarsiyo si aanu tillaabo tillaabo kuugu dulmarno habraaca deeqda. Aqoon isweydaarsiyadu waxay isbedel dhab ah ku sameeyaan guusha codsigaaga. Waxa ay adiga kuu yihiin fursad ay su'aalahaaga kaaga jawaabaan shaqaalaha 4Culture iyo inaad wax ka kororsato dadka kale ee soo dalbaday.

Dhammaanba tababarada waxaa lagu qaban doonaa qaab oonleen ah iyo fool-ka-foolba. Isku diiwaangeli tababarka oonleen ah lifaaqyada hoose si aad u hesho macluumaadka kulanka aaladda Zoom. Dhamaaba tababarada oonleenka ah waxaa la duubi doonaa; fadlan kala xiriirJackie Mixon at si aad u hesho tajumaada ASL ama taageerada kale.

  • Janaayo 23, 12:00-1:00 duhurnimo
    Register
  • Janaayo 29, 11:00-12:00 duhurnimo
    Register
  • Febraayo 10, 12:00 – 2:00 duhurnimo
    Niqaashka guddiga iyo tababarka aqoon isweydaarsiga: Dadka ka faa'iidaysanaya waxay isla wadaagi doonaan waaya-aragnimadooda iyo xeeladahooda ku saabsan codsiga deeqda. Tababarka waxaa bixinaya Barnaamijka Ilaalinta Taariikhaha ee Ismaamulka King.
    Register
  • Febraayo 23, 3:00-4:00 galabnimo
    Register
  • Maarso 5, 2:00-3:00 galabnimo
    Register

Saacadaha Xafiisku Shaqeeyo

  • Febraayo 25, 11:00 -1:00 duhurnimo
    Hood Famous Bakeshop + Coffeehouse, 504 5th Ave S #107A, Seattle, RSVP
  • Febraayo 28, 10:00 - 11:00 subaxnimo
    Register

Tababarada - Qaybaha mashaariicda oo dhan

Tababaradaanu waxay dabooli doonaan dhamaanba deeqaha mashaariicda ee diyaarka ah, farshaxanka, dhigaalka dhaxalka, iyo ilaalinta mashaariicda gaarka ah.

  • Febraayo 4, 12:30 – 1:30 duhurnimo
    Federal Way Library, 848 S 320th St
  • Febraayo 5, 6:00-8:00 fiidnimo
    Kent Commons, 525 4th Ave N
  • Febraayo 19, 4:30 – 6:30 maqribnimo
    Centro Cultural Mexicano, 16300 Redmond Way, Ste 100