Project Grants

Deeqaha Mashruuca: Dib loo dhigay ilaa 2025
Tilmaamaha: www.4culture.org/project-grants/

Ma ka shaqeyneysaa mashruuc hal abuur leh? Codso deeqda mashruuca 4Culture

Deeqaha Mashruuca 4Culture waxaa lagu maalgeliyaa hawlaha iyo mashaariicda dhaqanka ee guud ahaan King County. Haddii aad tahay shakhsi ama koox ka shaqeeya mashruuc leh farshaxan, hiddo, ama laabta ku haya ilaalinta waxyaabaha taariikhiga ah, fadlan ka fakar inaad codsato.

Codso

Codsiyada waxaa la aqbali doonaa ilaa Maarso 23, 2023 oo saacadda tahay 5ta galab PDT iyadoo lagu soo gudbinaayo nidaamka codsiga oonleenka ah ee 4Culture. Waxaad ubaahnaan doontaa inaad akoon sameysato si aad u codsato. Waxaan kugu dhiirigelineynaa inaad akoon sameysato isla marka aad ogaato inaad qorsheyneyso inaad deeqda codsato.

Tilmaamaha, sharaxaadda faahfaahsan ee ku saabsan sida loo codsado, iyo waraaqda codsiga waxa ay dhammaan ku qoran yihiin Af-Ingiriisi. Haddii ay arrintani tahay caqabad kaa hor istaageysa fahamka deeqda ama codsashada oo ay sabab u tahay awoodda qorista Af-Ingiriisiga oo xadidan, araggaaga oo liita, ama aad jeclaan lahayd inaad codsato in lagaa caawiyo in aad codsi sameyso, fadlan la xiriir hello@4culture.org ama wac (206) 296-7580 ama TTY 711, waxaana xaqiijin doonnaa inaad hesho taageerada aad u baahan tahay.

Art Projects (Mashaariicda Fanka)

Tilmaamaha: www.4culture.org/grants/art-projects/
Art Projects (Mashaariicda Fanka) waxay maalgeliyaan fannaaniinta iyo kooxaha farshaxanistayaasha yaryar—laga bilaabo dhaqamadii hore ilaa kuwa casriga, kuwa hadda soo muuqanaya ilaa kuwa hirgalay—kuwaas oo ka shaqeynaya dhammaan noocyada iyo qeybaha hal abuurka.

Tusaale

Spice Bridge, oo ah xarun cunto oo caalami ah oo ku yaal Tukwila, ayaa helay deeq ay ku bilaabaan taxane dhacdo si ay u soo bandhigaan fannaaniinta iyo farshaxanistayaasha maxalliga ah ee ku sugan Koonfurta King County. Fannaanad JacintheDemmert waxay farshaxanka waxyaabaha la xiran karo ka sameyneysaa mayraxda oo lagu soo bandhigi doono bandhigga faashiyoonka ee la qabanayo bisha Abriil.

Meelaha lagala xiriirayo

Fadlan si toos ah ula xiriir maamulaha deeqda haddii aad su'aalo qabto ama aad jeclaan lahayd talo lagaa siiyo fikirkaaga mashruuca.

Art Projects - Shakhsiyaadka:
Melissa Newbill, melissa.newbill@4culture.org ama (206) 263-1603
Art Projects - Kooxaha:
Nina Yarbrough, nina.yarbrough@4culture.org ama (206) 477-7537

Aqoon isweydaarsiyo

Waxaan bixinaa aqoon isweydaarsiyo si aanu tillaabo tillaabo kuugu dulmarno habraaca deeqda. Aqoon isweydaarsiyadu waxay isbedel dhab ah ku sameeyaan guusha codsigaaga. Waxa ay adiga kuu yihiin fursad ay su'aalahaaga kaaga jawaabaan shaqaalaha 4Culture iyo inaad wax ka kororsato dadka kale ee soo dalbaday.

Dhammaan aqoon isweydaarsiyada waxaa si fogaan arag ah loogu qaban doonaa aaladda Zoom oo leh qoraallo shaashadda ma muuqan doona. Isku diiwaangeli baraha hoose si aad u hesho macluumaadka kulanka aaladda Zoom.

Farshaxanka - kooxaha

  • Isniin, Febraayo 6, 2023, 3da ilaa 4ta galabnimo 3:00 pm – 4:00 pm
    Iska-Diiwaangeli
  • Khamiista, Febraayo 16, 2023, 3da ilaa 4ta galabnimo 3:00 pm – 4:00 pm
    Iska-Diiwaangeli
  • Talaado, Febraayo 21, 2023, 12ka ilaa 1da duhurnimo 12:00 pm – 1:00 pm
    Iska-Diiwaangeli
  • Khamiis, Maarso 2, 2023, 5ta ilaa 6da galabnimo 5:00 pm – 6:00 pm
    Iska-Diiwaangeli

Fanka – Shakhsiyaadka

Heritage Projects (Mashaariicda Hiddaha)

Tilmaamaha: www.4culture.org/grants/heritage-projects/
Heritage Projects (Mashaariicda Hiddaha) waxay taageeraan shaqooyin kala duwan oo daboolka ka qaadaya, iftiiminaya, oona wadaagaya taariikhda hodanka ah ee dhammaan nagu xeeran King County, oo ay ku jiraan taariikh afka ah, cilmi baaris, bandhigyo khadka tooska ah, iyo in badan oo kale!

Tusaale

The Burke Museum waxay bilaabeen barnaamij tijaabo ah si waxyaabaha ay hayaan ay helitaankoodu ugu sahlanaato dadka indhaha la’ ama araggoodu kooban yahay ee soo booqanaya.

Meelaha lagala xiriirayo

Fadlan si toos ah ula xiriir maamulaha deeqda haddii aad su'aalo qabto ama aad jeclaan lahayd talo lagaa siiyo fikirkaaga mashruuca.
Megumi Nagata, megumi.nagata@4culture.org ama (206) 263-3474

Aqoon isweydaarsiyo

Waxaan bixinaa aqoon isweydaarsiyo si aanu tillaabo tillaabo kuugu dulmarno habraaca deeqda. Aqoon isweydaarsiyadu waxay isbedel dhab ah ku sameeyaan guusha codsigaaga. Waxa ay adiga kuu yihiin fursad ay su'aalahaaga kaaga jawaabaan shaqaalaha 4Culture iyo inaad wax ka kororsato dadka kale ee soo dalbaday.

Dhammaan aqoon isweydaarsiyada waxaa si fogaan arag ah loogu qaban doonaa aaladda Zoom oo leh qoraallo shaashadda ma muuqan doona. Isku diiwaangeli baraha hoose si aad u hesho macluumaadka kulanka aaladda Zoom.

Preservation Special Projects (Dhowridda Mashaariicda Gaarka)

Tilmaamaha: www.4culture.org/grants/preservation-projects
Preservation Special Projects (Dhowridda Mashaariicda Gaarka) deeqaha waxey taageeraan dhowritaanka meelaha taariikhiga ah ee degmada King County Deeqdan ayaa maalgelin karta sahanada xaafadaha, magacaabista goobaha astaamaha ah, qiimeynta dhismaha, mashaariicda qorsheynta, aqoon isweydaarsiyada waxbarasho, ololayaasha u doodista, iyo kuwo kale.

Tusaale

Deeqda dhowritaanka mashaariicda gaarka ah waxa ay ka caawisay Vashon-Maury Island Heritage Association soo jeedinta in astaan King County ku taal loogu magac daro matxafka xaruntooda

Meelaha lagala xiriirayo

Fadlan si toos ah ula xiriir maamulaha deeqda haddii aad su'aalo qabto ama aad jeclaan lahayd talo lagaa siiyo fikirkaaga mashruuca.
Dana Phelan, dana.phelan@4culture.org ama (206) 263-1604

Aqoon isweydaarsiyo

Waxaan bixinaa aqoon isweydaarsiyo si aanu tillaabo tillaabo kuugu dulmarno habraaca deeqda. Aqoon isweydaarsiyadu waxay isbedel dhab ah ku sameeyaan guusha codsigaaga. Waxa ay adiga kuu yihiin fursad ay su'aalahaaga kaaga jawaabaan shaqaalaha 4Culture iyo inaad wax ka kororsato dadka kale ee soo dalbaday.

Dhammaan aqoon isweydaarsiyada waxaa si fogaan arag ah loogu qaban doonaa aaladda Zoom oo leh qoraallo shaashadda ma muuqan doona. Isku diiwaangeli baraha hoose si aad u hesho macluumaadka kulanka aaladda Zoom.

  • Talaado, Febraayo 7, 2023, 10ka ilaa 11ka subaxnimo (10:00 – 11:00 am)
    Iska-Diiwaangeli
  • Arbaco, Febrayo 15, 2023, 5ta ilaa 6da galabnimo (5:00 – 6:00 pm)
    Iska-Diiwaangeli
  • Isniin, Maarso 6, 2023, 12ka ilaa 1da duhurnimo (12:00 – 1:00 pm)
    Iska-Diiwaangeli